Wasiirka Gaashaandhiga ayaa beeniyay in dowladu wada hadal kula jirto horjooge Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, isagoo sheegay in dowlada ay sii wadeeyso dagaalka ay kula jirto horjoogayaasha kooxda argagixisada ee Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in dowladu aysan wadahadal kula jirin horjoogaha Baxsadka ka ah ee Muqtaar Rooboow, isagoo ku tilmaamay Shabaab iney yihiin Cadowga koobaad ee ummadda Soomaaliyeed.
Mudane C/xakiin Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaa ku daray in uu jiro khilaaf u dhaxeeya kooxda argagixisada ah, wuxuuse hoosta ka xariiqay in ciddii dowlada isu soo dhiibta kana soo harta dhibaatada shabaabku ku hayaan ummadda Soomaaliyeed ay markaasi dowladu soo dhaweyn doonto.
Xigasho RM
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay iney bilaabandoonaan howlgallo dalka oo dhan looga xoreynayo haraadiga Shabaab, howlgaladaasina ay socon doonaan ilaa dalkeenu uu noqon doono meel ka caaggan argagixisada Shabaab.