Iyadoo maalmihii u dambeeyay uu jiray guux badan oo ku saabsan Mas’uuliyiin horay dalka xilal uga soo qabatay iyo siyaasiyiin dalka miisaan ku leh oo ku qul qulayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la sheegayaa kulamo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ku yeesheen.
Kulankan oo durba gil gilay siyaasada dowladda ayaa waxaa ka soo baxayay hadal heyn badan, iyadoo si gaar ah saameyn uga yeelatay Madaxtooyada Soomaaliya, markii laga war helay mas’uuliyiintan iyo siyaasiyiinta ku kulmay Kampala.
Warar hoose ay heleyso IdaleNews.com ayaa sheegaya in shirka ka dhacay Kampala ay ku kulmeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Cali Maxamed Geeddi, Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore C/wahaab Ugaas Khaliif Dr. Baadiyow, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, Xildhibaanadii hore, iyadoo kulankan ay qadka taleefanka uga qeyb galeen Ra’iisul Wasaarayaashii hore Nuur Cadde iyo C/wali Gaas.
Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Kenya ee ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida degto.
Arrimaha ugu weyn ee kulankan looga hadlay ayaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay kala tagi rabto xilligan, lana bad baadiyo, arrinta Puntland oo dooneysa inay qaadato go’aan qaldan, arrimaha Federaalka iyo tan Xukuumada dhowaan la soo dhisayo oo talo bixin u baahan ka hor shirka Brussels.
Kulankan ayaa laga soo saaray sidii Gudiyo loogu diri lahaa dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, isla markaana la kulma Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Inkastoo aan la iclaamin waqti ku aadan goorta ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya, ayaa hadana Xildhibaanada Kenyanka ee kulankaas ka qeyb galay ayaa sii diyaarin doona kulanka ay la yeelanayaan xubnaha xulka ah ee u tagi doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Sidoo kale xubnahan ayaa iska dhex dooran doona gudi u ambabixi doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, si ay madaxda dalalkaas ugala hadlaan arrimaha xasaasiga ee xilligan ka jira Soomaaliya.
Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay oo ay isku soo dhowaadaan xubno horay siyaasada dalka isaga soo horjeeday, isla markaana isku cafiyay wixii horay kala gaaray.
Idale News ONline, Mogadishu