Beesha Habar-Gidir ayaa ka carrootay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somalia oo ahaa inuusan la galin ballan la xiriirta Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo waqtiga lasii deyn doono intaba.
Dhageyso Waraysiga Nabadoonka: [audio:http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/07/Nabadoon-Xasan-Cilmi.mp3]
Hadalkan ayaa beeshu ay ku tilmaamay mid nasiib darro ah, oo aysan marnaba ka fileyn madaxweynaha, waxayna sheegtay in isaga uu ballan qaaday in arrinta Xasan Daahir lagu dhameynayo toddobaad
Nabaddoon Xaan Cilmi Yaxye ayaa shaaca ka qaaday in tani ay tahay mid madaxweynaha ku qaldan yahay waxaana uu madaxweynaha ku eedeeyey ballan ka bax.
Si kastaba waxa uu sheegay in weli ay ka rajo qabaan in dowladdu go’aan ka gaarto arrinta Xasan Daahir
Idale News ONline