Wasiir Diini “Weerarada Argagixisada Kama Weecinayaan Soomaaliya iyo Saaxibadeeda Horumarka iyo Dib U Dhiska”

0
236

Muqdisho(INO)— Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

20120204_014837

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha falalka lagu dhibaateynay shacabka geysanaya, isagoo xusay in la bilaabi doono guluf iyo hawlgalo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha kooxahaasi kaga harsan yihiin dalka Soomaalia si aysan shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladoodu mar kale dhibbane ugu noqon weerarada kooxahan qaba aragtida ciriiriga ah

Sidoo kale Wasiir Diini oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidnka xooga dalka ayaa tagay goobtii uu qaraxa ka dhacaym waxaana uu ka tacsiyadeeyay dadkii iyo ciidamadii ku dhintay weerarkaas,

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale booqasho ugu tagat Saraakiisha Imaaraadka ah ee lala damacsanaa weerarkan, ayaa sheegay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.

“Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil tababarayaal Imaaraadla ka tirsan oo gacansiiya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed iyo shacabka goobta ka ag dhowaa.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Soomaaliya iyo saaxiibadeeda kama weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow, iyadoo dhowaan la bilaabi doono hawlgalo looga sifaynayo meelaha ay kaga harsan yihiin dalka. Kooxdan waxay mar kale caddaysay in aysan ku abtirsan oo sal ku lahayn diinta Islaamka, waxayna bil Ramadaan oo dadku sooman yahay ay dalka ku daadinayaan dhiig dad Muslimiin ah oo Soomaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday kolonyada ay la socdeen saraakiisha ka tirsan Imaaraadka, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidka uu saarnaa Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo ka bad baaday weerarka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here