Kooxda Al-shabaab Oo Degaanka Labaatan Jirow Ee Gobolka Bay Ku Diley Nin Dhalanyaro Ah

0
312

Baydhabo(INO)-Ururka Al Shabaab, ayaa galabta Fagaaraha Deegaanka Labaatan Jirow ee duleedka Magaalada Baydhabo ku toogtay nin dhalinyaro ahaa, oo sida ay sheegeen ka soo qabteen duleedka Baydhabo.

al-shabab-Somalia

Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Macalin C/laahi, ayaa waxay Shabaabku sheegeen inuu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan deegaanada hoos-tagga Magaalada Baydhabo.

Qaadiga Maxkamadda Shabaabka, ayaa sheegay Muxudiin Macalin inuu qirtay inuu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somaliya, isla-markaana ay Maxkamaddu ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Ciidamada Xisbada Ururka Al Shabaab oo saf la geliyay, ayaa meel dhowr tallaabo u jirta ka toogtay ninkaasi dhalinyaro ah, iyadoona fiidnimadii caawa lagu aasay deegaankaasi Labaatan Jirow.

Saraakiisha Dowladda Somaliya ee Gobolka Baay, ayaan ka hadlin waxa ka jira in ninka lagu toogtay Labaatan Jirow uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa kuu muuqanayso inay kordhiyeen dilalka ay ka gaysanayan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Xilli lagu guda jiro bisha soon qaad.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here