Baydhabo(INO)- Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxay ka furtey shir looga hadlaayo Arimaha Haweenka, iyo Xaquuqul insaanka isla markaana uu socon doona Mudo 14 Cesho ah, kaas looga hadli doono Qodobo badan.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo Binti Ibraahim Cali, ayaa sheegtey ujeeda Shir loo qabtey.
“Shirkan waxa dooneyna in aan ku soo bandhigno Tacadiyadda Haweenka loo geysta iyo Caruurta, waxaan hadli doonaan caruurta derbiyada jiifta sidii ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda, kuwo Agoonta ah sidii loo daryeeli lahaa, ka wasaarad ahaan waxaan sameyn doona hawlo lagu tira koobaayo caruurta darbi jiifta ah ka dibna loo siin lahaa hooy iyo waxbarasho intuba” ayey tiri Wasiir Binti Ibraahim Cali.
Sidoo kale Marwo Binti Ibraahim Cali, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tilmaantey in ay damqanayaan Gabdhaha aan waxba haysanin Ee ku dhaqan Degmada Baydhabo kuwaaasoo ay sheegtey in korinyaan Caruur Agoon ah.
“ Waxa si Siman ugu hadleyna Xaquuqda Haweenka, tan Caanada Keento,tan waxbaratey iyo waxaa nagubiya tan aan waxba haysanin oo haddana caruur agoon ah korineyso, waxaan dooneyna in Gabdhaha Noocaasi ah aan wax u qabano” ayey tiri Wasiir Binti Ibraahim Cali
Si kastaba ha haatee, waxa jiro haween iyo caruur tiro badan oo dhibaato iyo daryeel la’aan ku haysto Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaaso inta badan ay ku jiraan Kaamamka Barakacyaasha.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaakna Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay Gabadha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku sugan Gudaha dalka iyo dibadiisa ay ugu baaqdey inay soo caawiyaan Gabadha ku raafsan Gudaha Baydhabo isla markaana ay sameeyaan midnimo .
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com