Baydhabo(INO)— Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay 89-xildhibaan oo ah xildhibaannadii ugu horreeyay ee baarlamaanka Dowlada Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Waxaa xafladda dhaarinta xildhibaannadan cusub ayaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiin ka socda wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo lagu casuumay.
Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xildhibaannada cusub laga rabo inay shacabka si wanaagsan ugu shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwii bulshada matalayay.
Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sidoo kale weydiistay odayaasha-dhaqanka Koonfur-galbeed oo xafladda ku sugnaa inay soo dhameystiraan xildhibaannada dhiman, inkastoo uusan ka sheegin goobta muddo lagu soo dhameystirayo xubnaha ka dhiman baarlamaanka.
Dhanka kale, waxaa munaasabada ka hadlay odayaasha-dhaqanka maamulkaas oo muddo ku howlanaa soo xulista xildhibaannada, iyagoo sheegay inay waqti aad u badan geliyeen sidii xildhibaannada maanta la dhaariyay sidii loo soo xuli lahaa, kuwa harsanna ay soo dhameysitri doonaan xilliyada soo socda.
Ugu dambeyn, xildhibaannada cusub ee maanta lagu dhaariyaya magaalada Baydhabo ayaa dhankooda ballan-qaaday in si wanaagsan ay ugu shaqeynayaan shacabka ay matalayaan, iyagoo noqonaya xildhibaannadii ugu horreeyay ee uu maamulkaas yeesho.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo