Marka(INO)-Warar hoose ah oo ay helayso Warbaahinta Idale News Online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah Wasiirada Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya oo horay ugu sugnaa MarkaCadey oo kulan la qaatey siyaasiyiin Horey u qabsadey degmada Marka Sida Cabdul iyo Cali Nuure.
Xogtan ayaa xaqiijinaysa in wasiir Axmed Cumar (Macalllin Barre) kulan socday in kabadan shan saacadood ah la qaatay siyaasiyiin horey u qabsadey degmada Marka, kuwaasoo weli aan ku qanacsaneyn Arimo badan.
Kulan kan ayaa sida aan ku helayno waxa uu ka dhacay agagaarka guriga uu degan yahay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada Koonfur galbeed Cabdi Naasir C/caruush.
Kulankan waqtiga dheer qaatay ayaan si rasmi ah loo ogaan Karin arimaha rasmiga ah ee laysku soo hadal qaaday balse waxa jira shaki aad u xoog badan oo ku biiraya shakigii hore ee Beesha Biimaal ay qabtey wasiirka Aw qaafta iyo Diinta ee dowlada KGS.
Ilaha aan kasoo xiganay warkan ayaa sidoo kale sheegaya in kulan kale lagu balansanyahay kaas oo lagu dhameystirayo waxa looga wada hadlay kulankan.
Wasiirada beesha Biimaal ugu jiro dowlada Koonfur Galbeed ee hadda ku sugan magaalada Marka ayaa la soo baxay waji cusub oo ka duwan wajiyadii lagu yaqiinay, waxay u muuqataa inuu is faham hoose kala Beesha Habargidir ee dhibaatada ba’an gaarsiisay shacabka beesha Biimaal.
Idale News Online, Marka