DEG DEG:Dagaal culus oo hada ka socda Jaamacadda Gaarisa oo ay gudaha u galeen rag hubaysan

0
193

Gaarisa(INO) Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag hubaysan ay gudaha u galeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa,dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa inuu gudaha Jaamacadda ku dhexmarayo kooxdii weerarka ku qaaday iyo ciidamada ammaanka wadanka Kenya.

breakingIdaleNews

Kooxda ayaa la tilmaamayaa iney gudaha Jaamacadda galeen xiligii Salaadda Subax lagu jiray,waxaana gudaha Jaamacadda xiligan laga maqlayaa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn,waxaana socda dagaal u dhexeeya kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada Kenya.

Jaamacadda Gaarisa ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa wax ka bartay in ka badan Kun arday oo u badan dadka Madowga ah ee kasoo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya,Maamulkii Jaamacadda iyo ardaydii Muslimiinta ee Jaamacadda dhiganayey ayaa lasoo sheegayaa iney isku soo xireen Masaajidka Jaamacda oo ay ku sugnaayeen xiliga weerarku ilaabanayey.

Ciidamada boolsika,Sirdoonka iyo Milateriga dowladda Kenya ayaa goobta gaaraya,lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo wali socda, Wixii Kusoo kordha dagaalka ka socda Jaamacadda Gaarisa kala Soco Warbaahinta Idale News Online

 Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here