Baydhabo(INO)— Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in sanadkan ay illaa 20-kun oo Arday ah u fariisanayaan Imtixaanaadka shahaadiga, kuwaasoo loo diyaariyay dugsiyada ay imtixaanaadka ku geli lahaayeen.
Sidoo kale waxaa imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada qaadeyso ayaa ka bilaabanaya qaar ka mid ah gobolada dalka ee Soomaaliya.
Sanadkii hore ayay aheyd markii ugu horeysay ee Wasaaradda Waxbarashada ay qaaday imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga ah muddo 25-sano ah.
Idale News Online, Muqdisho