Baydhabo(INO)- Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya ay ka dhacdey Doorashada Ururka Saxafiyiinkta Soomaaliyeed Ee NUSOJ ayaa Doorashadaas, waxa Mar kale Diiday Gudoomiye Ku Xigeenka Dallada Saxaxafiiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee SOWEJA C/qaadir Barre Macalin.
Gudoomiye C/qaadir Barre Macalin ayaa Sheegey in doorashadaas ay hayd Mid si qaladan ay dhacdey isla markaana Saxafiiyiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan Khuseyn , isagoona Tilmaamey in Wariyaasha Puntland iyo Jubbaland ay sidoo kale qayb ka hayd doorashadaas.
” Cadaalad daro ayaa lagu sameeyey Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwii halkaas tagey waxay ahaayeen kuwo lagu bah diley goobta, mana mataleynin Dallada SOWEJA Ee Saxafiyiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri C/qaadir barre Macalin.
Ugu dambeyntii, Warkan ayaa waxa uu ku soo beegmaya Xilli Magaalada Baydhabo Lagu Dhaweeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka NUSOJ Wariye Muxidiin Xasan Xusni oo dhawaan lagu soo doortey Magaalada Baydhabo isla markaana waxa jiro Khilaaf Xoogan oo u dhaxeeyey Saxafiyiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Wariye Cali Ilyaas Cabdullahi, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo