Wasaarada Caafimadka Ee KG Soomaaliya Oo Ka Hadashey Waxqadkeeda iyo Hiigsigeeda

0
261

Baydhabo(INO)- Ku simaha Wasiirka  Wasaarada Caafimaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Adan ayaa, ka Hadley waxqabadka iyo qorshaha wasaaradda Caafimaadka Ee KG Soomaaliya tan iyo markii la magacaawey.

subag

Ku simaha ayaa ka dhawaajiyey in wasaaradda ay qabatey waxyaabo badan isla markaana uu weli ay wado dardar galinta Hawlaha wasaaradda, iyadoona Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya uu sheegey inay gaarsiinsay shaqadeeda.

“Ugu Horeyn wasaarada waxay Gacanta ku dhigtey Xurumaha Caaafimaadka ee Jiro KG Soomaaliya Sida Cusbitaalada Baydhabo, Afgooye iyo kan Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna si  habsami leh u hawlgalisay  labo MCH oo ay kula yaalaan Xaafadaha Berdaale iyo Isha” ayuu yiri ku simaha.

Ku simaha Wasiirka wasaarada Caafimaadka ee Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale uu tilmaamey in wasaaradu  ay Daawooyin gaarsiisey Degmooyinka Waajid, Qansaxdheere iyo Afgooye, waxa kale uu xusey in daawoyin fara badan ay u soo socodaan wasaarada oo la geyn doono Degmada Diinsoor iyo Degaano kale.

“Wasaaradu waxay ku dadaleysa dhowrista Caafimaadka Dadweynaha, Daawooyin ayaa la gaarsiyey Degmooyinka  Qaar, waxaa inoo soo socoda Daawoyin, waxayna hadda soo marayaan Degaanka Leego, waxaa Geyn doona Degmada Diinsoor iyo Meelo kale” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale waxa uu xusey in wasaarada Caafimaadka Ee koonfur Galbeed Soomaaliya ay xariiro la leedahay Hay’adaha ka shaqeeya Arimaha Caafimaadka ee sugan Magaalada Baydhabo, isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqey in wasaaradu ay abuurtey Koox Kalkaaaliyaal Caafimaadka ah oo isku dabaridyaan  Hawlaha wasaaradda Maalin weliba.

“ Wasaaradda Caafimaadka waxay 3 Gobol Ee KG Soomaaliya u magacawdey isku duwiyaal Caafimaad, waxayna sameystey Team Ka shaqeeya Caafimaadka Bulshadda oo wasaaradu ay leedahay” ayuu yiri Mr. Isaaq.

Ugu dambeyntii waxa uu Hadley, qaylo dhaan ka soo yeereyso dad si weyn u saameyey roobab ka da’ayey Degaanada Koonfur Galbeed, robabkaasoo sida la soo sheegeyo meelaha qaar ay ka dhasheen Cuduro, in wasaarada wax weyn ka qaban doonto arintaas isla markaana  waxa uu sheegey in dhawaan la geyn doono goobaas Daawooyin iyo maro kaneecooyin.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here