Maxaa U Qabsoomey Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee KG Soomaaliya?

0
332

Baydhabo(INO)- Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maaanta  ka hadashey waxqabadkeeda iyo yaallka ay Hiigsaneyso wasaaradaasi.

20151016_041109

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Eng. Jibriil Aadan Maxamed ayaa sheegey in wasiiradiisu uu wax badan ay qabsoomeen tan iyo markii  laga caaweyey ee sanadkii tagey,  isla markaana waxa uu sheegey inay la kulmeen Hay’ado Daneeya arimaha waxbarashada iyo Wasaaradda Waxbarashada Ee DF Soomaaliya ayna isla meel dhigeen qorshooyin wax ku ool ah.

“Markii laga Magacaawey Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta waxaan sameeney kormeero iyo kulumo aynu la yeelaney Maamuliyaasha iskuulada Baydhabo, waxaan hubiney tayada waxbarashada iskuulada, waxayna ahaayeen xilligaas kuwo aad u tayo xun, waxaan diyaariney qorshooyin cusub, sidoo kale waxaan tira koob ku sameeney iskuulada Dowliga ah iyo kuwo sida Gaarka ah loo leeyahay, Baydhabo waxa ka jiro 10 iskuul oo leh Dugsi sare, waxa jiro iskuul kale oo Dowlada Imaaradka Carabta Hoostago oo Dowli ah oo Alceyn la dhahaayo, ku dhawaad 11,300 oo ardey ayaa wax ka barataan iskuulada Baydhabo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale Xusey in uu jirey kala duwaanashaha Manahijka iskuulada isla markaana waxa uu sheegey in wasaaradiisu ay ku dadaashey mideynt Manhajyada iskuulada,iyadoona dalladyo ahli ah ay kala hoostagayaan, qaar  waxaa uu  tilmeemey inay isticmaaleyeen Manhajkii hore ee soomaaliya oo loo bedeley luuqada Ingiriisga.

“Wasaaradda waxay xooga saartey sidii ay u mideyn lahayd manhajyada iskuulada, waxayna kala tashatey wasaaraddda waxbarashada ee Dowladd Federalka Soomaaliya, sanadkii tagey waxaan ku guuleysay in aan qaadno 25 sano ka dib imtixaan mideysan, tayadda iskuulada hada way fiicn tahay, ma jiraan is barbaryaac, Goboladan Koonfur Galbeed la isku dhahaayo hada waxay safka hore ay kaga jiraan Gobolada ugu tayada roon Gobolada Dalka, waxaan u sameyn iskuulada Gudoomiye ka Xog keena arintooda” ayuu  mar kale yiri Wasiir Eng. Jibriil.

Ugu dambeynt, Wasaaradda waxbarashada Ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey inay wado Barnaamijka (EMIS) oo laga diiwaan galinaayo dhamaan ardeyda ka qalanjibisa iskuulada Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Emai: Baashaa@www.idalenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here