Wariyaal Turkish Ah Oo Wajahaya Xabsi Madaxaa Haku Furta ah

0
198

Ankara(INO)— Laba wariye oo Turkish ah ayaa midkiiba waxaa lagu xakumay xabsi daa’in kadib marki lagu eedeeyey in ay qoreen sheeko ku saabsan in dowlada Turkiga ay hubeyso kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Suuriya.

Tifaftiraha wargeyska Cumhuriyet, Can Dundar iyo wakiilki magaalada Ankara ee wargeyska Erdem Gul ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dacwad ah in ay yihiin jaajuusiin.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey in ay la shaqeeyaan wadaadka ay dowlada u taqaano argagixisada ee xaruntiisu tahay Mareykanka, Fathullah Gulen. Ciqaabtan adag ee la duldhigay saxafiyiintan ayaa loo arkaa mid sii xoojineyso walaaca ah in dowlada ay ku xadgudbyso xurriyatul qowlka.

Madaxa guddiga balaarinta Midowga Yurub Johannes Hahn ayaa sheegay inuu aad uga naxay xakunka ku dhacay saxafiyiinta. Hey’ada xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa iyaduna sheegtay in wariyaashu ay gudanayeen waajibaadkooda isla markaana aysan jirin wax ka baxsan arrintaasi.
Bishi May ee sanadki hore ayaa wargeyska Jamhuriyet wuxuu daabacay warbixin iyo filim muujinaya ciidamo boolis ah oo baabuur waaweyn hub ka baaraya, ciidankaasi booliska ahaa waxaa la sheegay in ay xiriir la lahaayeen wadaadka marki danbe ay dowlada xididada u siibtay ee Fathullah Gulen.

Wargeyska ayaa daabacay in baabuurtaasi ay wadeen hub ay soo dhiibtay hey’ada mukhaabaraadka Turkiga ee loo soo gaabiyo MIT, taasoo warbixinta wargeyska ku eedeysay in ay u wadeen kooxaha ka dagaalama dalka Syria.

Idale News Online, Ankara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here