Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu cusbooneysiinayo lacagta Soomaaliga oo ah mid hadda sii dabar go’aysa.
Xalane ayaa sheegey in wasaaradiisu muhimad weyn siineyso sidii wax looga qaban lahaa burburka ku yuimid lacagtii Soomaaliga.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegey in qorshaha lacag Soomaaliga ee wasaaradu uu yahay labo qaybood, marka hore in dib loo soo daabaco lacagtii hore oo cusub, kadibna la helo lacag cusub oo ka duwan tii hore, taas oo ah mid adag waqtina u baahan, laakiin hadda ay awoodda siinayaan sidii lacagta calalka noqotey loo beddeli lahaa.
Xuseen Cabdi Xalane ayaa dhanka kale welwel ka muujiyey dabar go’a iyo yaraanta ku timid lacagta Soomaaliga in ay culeys ku tahay dadka danyarta ah maadaama qiime kasta dollar loo isticmaalayo.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegey in qorshaha lacagta loogu samaysnaayo Soomaaliya uu kala hadley hay’adda lacagta adduunka ee IMF si ay wax ugala qabato.
Lacagta Soomaaliga ayaa noqotey mid aad u yaraatey isla markaana duug ah taas oo dadku ku qabaan dhibaato baaxad leh.
Idale News Online, Muqdisho.