Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka guddoomiyaha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka, kaasi oo looga hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka uu marayo ku saabsan.
Shirka oo ah kulanka isbuuclaha ah ee ay isugu yimaadaan Maamulka Gobolka Benaadir, islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiye Muungaab ayaa looga arrinsaday arrimo ay ka midyihiin sida loo dar dargelin karo qaadista canshiiraha Dowladda Hoose ee Xamar, ayna degmo walba u gudan lahayd inay soo xeraayaan canshuurta si loo gaaro himilada uu hiigsanayo maamulka Gobolka Benaadir.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa loo hadlay qaabka canshuuraha loo qaadayo oo ugu dambeyn la isku raacay inay noqoto mid electronic ah, si meesha ay ugu baxdo in uu dhaco wax isdaba marin.
Qodobka kale ee shirka isbuuclaha ah ee Maamulka Gobolka Benaadir looga arrinsaday waxaa ka mid ahayd u diyaar garoobidda xuska maalmaha xoriyadda dalka oo ay ugu soo horeyso 26-ka bishan June iyo 1-da Luulyo oo ah markii ay midoobeen Gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka, islamarkaana Koonfurta ay xornimadeeda ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay guddoomiyeyaasha degmooyinka inay dar dargeliyaan waxyaabihii kulanka looga hadlay, isagoo shacabka ka dalbaday inay qaataan nabadda si horumar loo gaaro.
Idale News online, Muqdisho.