Madaxweynaha Mareeykanka, Brack Obama, ayaa ku dhawaaqay ineey soo gaba gabeeyeen Howlgalka Afghanistan, islamarkaasna ciidamadooda kala soo baxayaan dabayaaqada sanadkaan.
Obama oo ka hadlayay aqalka Cad, ayaa sheegay in 98,000 askari ay ku reebayaan dalkas, kuwaasoo dhanka taababarada iyo taageeraba siin doona ciidanka Afghanistan.
Obama sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay, in dhamaadka sanadka xiga ee 2015 ay si dhamaystiran ciidamada Mareeykanka uga soo bixi doonaan Afghanistan.
Hadalka Obama ayaa la micno ah, in Ciidamada Mareeykanka ee gaaraya 32,000 ee hada ku sugan gudaha Afghanistan laga soo saari doono halkas.
Obama waxa uu sheegay, in fulinta qorshahaan uu ku xiranyahay Marka ay Dowlada Kapul saxiixdo heshiiska dhinaca amaanka.
Madaxweynaha hada ee Afghanistan Xamid Karazay, ayaa diiday inuu saxiixo heshiiskan, laakiin mareeykanka ayaa ku kalsoon in mid kamid ah murashixiinta kusoo bixi doona doorashada dalkas uu saxiixi doono heshiiskaas.
Idale News Online, USA.