Doowlada Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixisay sababta ay udiiday ka qeyb galka shir shalay ka dhici lahaa Nairobi, kaasoo diirada lagu saari lahaa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.
Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha Axmed Cabdi Kariin, ayaa isagoo lahadlaya warbaahinta gudaha, waxa uu sheegay in Dowladaa Kenya ay jabisay codsi ay u jeediyeen.
“Waxay ahayd dadka rabitaankooda in lagu soo raro, howshii oo aan la gaarin ayay Kenya gashay howlo dib loogu soo celinayo dadka Soomaaliyeed, marka weey noo cuntaami weysay inan shirkaas ka qeyb galo” ayuu yiri Axmed Cabdi Kariin Daahir.
Gudoomiyaha Qaxootiga iyo barakacayasha oo sii hadlay,ayaa sheegay, in dadka Soomaaliyeed ay Kenya u tageen siyaabo kala duwan oo duruufuhu kalifeen, sidaas darteedna aan loo baahneen in dadka qasab lagu soo celiyo.
Shirkan oo ahaa sadax dhinac ayaa dib u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka baaqsatay, waxaana uu dhex marayaa Qaramada Midoobey laanteeda u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Kenya.
Warqad ay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya u qortay Wasaarada Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in xaalada haatan ka jirta Kenya iyo dhibaatada loo geysanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas aanay suura gal ka dhigi karin in dowladdu ka qeyb gasho shirkaas.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inuu khilaafsan yahay qaabka dowladda Kenya kula dhaqmeyso qaxootiga Soomaaliyay xeerarka caalamiga ee arrimaga qaxootiga, gaar ahaan heshiiskii Geneva lagu saxiixay sanadkii 1951 iyo kii Midowga Afrika.
Idale News Online.