Waajid(INO)- Dhaqdhaqaaqyo Ciidan ayaa ka jira Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,kuwaas oo ku aadan in Al-shabaab laga saaro Degaanada ay Godoomiyeen Ee Gobolkaasi ka mid ah.
Ciidamo aad u badan oo iskugu jira kuwa Koonfur Galbeed,Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Buux dhaafiyay Degmada Waajid,kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay in ay Go’doonka ka qaadaan Degmada Waajid oo Mudo u Go’doonsaneyd Shabaab.
Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa ah mid Godoon ku jirta,iyadoo aysan jirin Wax Gaadiid ah oo gala kana soo baxa marka laga reebo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Awood Adeegsada.
Sidoo kale Ciidamadaan Dhaqdhaqaaqyada wada ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamo Dowladda Koonfur Galbeed ay dhawaan Tababar u soo xireen,kuwaas oo iyagana loo diyaariyay in ay Go’doonka ka qaadaan Degaanada Koonfur Galbeed ee Shababku uu Go’doomiyay.
Idale News Online, Waajid