Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliy Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa si caro leh wax uu ugu hadley dagaal maanta ka dhacey Magaalada Baydhab Ee Xarunta Gobolka Bay isla markaana warbaahinta ay tabisey in uu dhexeeyey labo beeloood.
Wasaaraddu waxay sheegdey inuu jiro Dagaal dhexmarey labo Ciidan oo kuwada tirsan Koonfur Galbeed Sooomaaliya kuwaaasoo ay sheegdey inay isku qabsadeen dhul.
” Maxaa diidey inaad qortaan ciidamo kawada tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dagaalmey Baydhabo, waa jirtaa inuu ku dhinteen dagaalkaas 11 qof, hase ahaatee waxa haboon inaad ilaalisaan sharciga saxaafadda” ayuu yiri wasiirka oo goodhow la hadley IdaleNews.com
Hadaba warbaahinta Idale News Online waa warbaahinta hufan iyo xog-waran dhexdhexaad ah oo u diyaarsan in dadka u soo gudbiso warar dhab ah dhacdooyin xiiso leh oo xaqiiqda ku saleysan kuwaasoo ka dhaca dalka gudahiisa iyo dibadiisa ayaa waxay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur galbeed Soomaaliya u arkeen mid ka waceetey arintaas.
Idale News Online, Baydhabo