Baydhabo(INO)- Malaaq Kaskey oo ka mid ah Malaaqyadda Gobolka Bay ayaa baaq nabadeed u direy Ciidamada kuwo tirsan Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dagaalamey Baydhabo isla markaana la sheegey in shaqaaqadaas ay ku dhibteen in ka badan 11 ruux oo dhamaantood ahaa Kooxdii is farasaarey.
Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shaley la soo xariirtey IdaleNews.com ayaa waxay sheegdey in aysan Baydhabo ka dhincin Dagaal beeleed isla markaana waxay ku adkeysatey in ciidamo kuwada tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya oo is maandhaafey dhexmarey Gacan ku hadal.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Cali Ilyaas Cabdillahi, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo