Kadib markii Al-Shabaab ay go’doomiyeen Degmada Xudur ee Gobalka Bakool oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in nolosha Degmadaasi ay noqotay mid adag.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo sababo ammaan loo qariyay Magaciisa ayaa Idaacada VOA usheegay in xaalada nolosha Degmada Xudur ay tahay mid adag, sidoo kalena aysan jirin gaadiid Magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa.
Wuxuu sheegay in raashinkii Magaalada uu noqday mid sicir barar ah oo qaali ah, taasina ay ugu wacan tahay in Magaalada aysanba soo galin wax gaadiid ah, maadaama Shabaab ay cunaqabateen saareen Degmada Xudur.
Xaaladan ka taagan Xudur, ayaa wuxuu sheegay inay walaac badan ka muujinayaan dadka ku nool Magaalada oo markii hore ka salkacay dagaalada Xudur ka dhacay, hadana la liita sicir barar iyo cabsi ay Magaalada ku joogaan.
Isbitaalka Degmada Xudur ayuu sheegay inuusan laheyn adeegyo badan oo caafimaad, sidaasi ay tahayna aysan oolin daawooyin badan oo lagu qaabili karo hadii bukaano badan isbitaalka la geeyo.
Al-Shabaab ayaa Magaalooyinka laga qabsaday waxa ay kusoo rogeen xayiraad, waxaana ay udiideen inay galaan gaadiidka Xamuulka qaada ee shixnadaha kala duwan dadka kusoo rartaan.
Wafdi Wasiiro Dowladda Soomaaliya iyo xubno Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa Xudur tagay Bishii aan soo dhaafnay gudaheeda, kuwaasi oo soo indha indheeyay xaalada Xudur.
Idale News Online, Xudur.