Al Shabaab oo Xayiraad Ganacsi saaray Qeybo katirsan Gobolka Galgaduud.

0
196

Ceelbuur  – Kooxda Al shabaab, ayaa wali wada Go’doominta Shacabka Degmooyinkii iyo Deegaanadii dhowaan laga saaray, ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Teaser Image Al Shabaab oo Xayiraad Ganacsi saaray Qeybo katirsan Gobolka Galgaduud

Amar Xalay kasoo baxay Xasan Yacquub, Horjoogaha Kooxda Al shabaab ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu sheegay in Gaadiidka Alaabaha Ganacsiga kasoo qaada Muqdisho iyo Boosaaso aysan tagi karin Degmada Ceelbuur, iyo Deegaanada Ceelgaras, Ceel la-helay iyo Ceel-qooxle.

Mar uu ka hadlayay Deegaanka Galhareeri, ee Gobolka Galgaduud ayaa Horjooge Xasan Yacquub ayaa sheegay in Kooxda Al shabaab ay ka jarayso Cuntada iyo Shidaalka Degmada Ceelbuur & Deegaanada kale si ay u cunqabateeyaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

“Gaari kastaa oo ka yimaada Muqdisho & Boosaaso oo Badeeco Ganacsi iyo Gar Gaar geeya Ceelbuur iyo Deegaanada kale ee hoostaga waan gubaynaa, sidoo kalena waa Dil kuwa wata Gaariga marka waa in ay u hogaansamaan Darawalada Amarkeena,” ayuu yiri Xasan Yacquub.

Horey, Kooxda Al shabaab waxa ay sidan oo kale Xayiraad Ganacsi ugu soo rogeen Degmooyinka Xudur, Waajid, Qoryooley, Buulo Burde iyo Buurdhuubo oo laga qabsaday dhowaan, waxaana Tallaabadaasi Walaac ka muujiyay Dadka Shacabka ah.

Idale News Online.