Nin Tooreey ku Hubeeysan ayaa Xalay Xaafada Toowfiiq ee Degmada Yaaqshiid ku Dilay Labo Ruux oo kala ahaa Hooyo iyo Wiilkeeda,kadib markii uu midkiiba ku dhuftay ilaa 7 Tooreey.
Teaser Image Hooyo iyo Wiilkeeda oo lagu Dilay Muqdisho
Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Keydmedia online u sheegay in Nin ku Hubeeysan Tooreey uu Xaafada Toowfiiq,gaar ahaa Aga gaarka Tilifishinkii hore ee Qaranka uu Weeraray Reer halkaas Daganaa islamarkaana uu Dilay Labadaas Ruux oo kala ahaa Hooyo iyo Wiilkeeda.
Wararka ayaa sheegaya in Arintaan ay timid kadib markii ay Is dagaaleen Caruurta Hooyada Ladilay iyo Caruur uu Dhalay Ninka Wax Dilay.
Hooyada ayaa lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariisee Raxmo ,halka Wiilkeeda Geeriyooday lagu Magacaabi jiray Xasan Cumar Max’ed,kaasi oo ka Shaqeyn jiray Xawaalada Bakaal ee Suuqa Bakaaraha,waxaana uu ka mid ahaa Arday Bishii Janaayo Dhameysatay Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa uu Goobta ka baxsaday,ayadoona Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay Halkaa Gaaree.