DAAWO: Shuruuradaha laga doonaayo Musharaxiinta Tartanka Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

0
185

waxaa goor dhoweyn lasoo gaba gabeeyey waxa laga doonayo Qofka Isu Soo Sharaxaya madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulan oo goor dhoweyt lagu soo gaba gabeeyey Xarunta Madasha Shirka ADC ayaa waxaa lagu aqriyey Barnaamijka ah Shuruudaha Waxa laga doonayo Qofka isu soo taagaya Xilka Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Shuruudaha Musharaxiinta laga doonayo ayaa waxay ahaayeen sida

1- waraaqaha Codsiyada waxaa la qabanayaa 23 febraayo saacada markey tahay 4 saac ama 10 subaxnimo waxay ku egtahay warqada qabadeeda 27 bisha saacada markey tahay 12saac maqribkii ama 6 da fiidnimo.

2- Musharuxu waa inuu buuxin karaa Sida ku cad warqada Buuxinta Shuruudaha Madaxtinimada

3- Codsiga waxaa lagu hagaajinayaa Xafiiska Gudiga Diiwaan gelinta Musharaxiinta ee Gudiga Doorashad

4- Waa inuu Keenaa

A-Arji Codsi ah oo wata Sawiro teesaro 4 Xabo Ah

B-Taariikh Nololeedkiisa wacbarasho & Shaqo

C-Qidhmo lacag gaareysa $5000, Madaxweyne kuxieenkana $2500

Shuruudaha Musharaxa Laga Doonayo

1-Inuu yahay Muwaadin Muslim Soomaali Ah Kana Soo Jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya 6 Da- Gobol.

2-Inuusan Musharaxa Qabin Xaas Ajnabi Ah

3-Inuu Caafimaad Qabo Masqax ahaan & Jir Ahaanba

4-Waa In Da’disia ka Yareyn 40 Sano

5-Aqoontiisa Heer Jaamacadeed Ama Wax Udhigma

6-Inuusan Leeyahay Waayi Aragnimo Dadka Ku hogaamin Kara

7-Inuusan Dalka Ka Galin Dembi Qaran

8-Inuusan Xil Ka Heynin Dowlada, Maamul, Urur & Wixii lamid ah

9-Inuuyahay Shaqsi Xaq Dhowr Nidaamka & Dastuurka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

gudiga doorashooyinka KG somalia

Idale News Online, Baydhaba.