WAR DEG DEG AH: DUQEYMO XOOGAN OO LAGU DILEY XUBNO MUHIIM AH OO CAAWA KA DHACDEY JUBOOYINKA

0
383

wararka naga soo gaaraya Jubooyinka ayaa sheegaya in caawa duqeymo xoogan ay ka dhaceen gegmooyin iyo deegaano katirsan goboladaasi.

diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopterka ayaa lagu soo waramayaa caawa in in ay duqeymo xoogan ka geysteen Degmooyinka Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle.

saraakiil katirsan sirdoonka soomaliya oo qeyb ka ahaa howl galka oo magaciisa kagaabsadey ayaa sheegey in duqeynta caawa lagu burburiyey 5 xaruumood oo ay kusugnaayeen dagaalamayaasha alshabaab kuwaas oo ku kala yaaley Jilib, saakow iyo Bu”aale.

14 gaari oo nooca soomaalida utaqaano tiknikada ayaa lasheegey in lagu burburiyey duqeynta waxaana weli la ogeyn Qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca walow laxaqiijiyey dhimasho iyo dhaawac farabadan.

ila wareedyo kala duwan oo kusugan deefaanka ayaa sheegey in qasaare badan uu jiro waley aysan tiro cayiman sheegin.

dhinaca kale Deegaanka Salagle ayaa lasheegey in duqeyn lala eegtey sarkaal sare oo katirsan amniyaadka alshabaab oo magaciisa lagu soo koobey Caydaruus.

sarkaalkan ayaa lagu sheegey in uu kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa amniyaadka alshabaab waxaana la aaminsan yahay in duqeynta kudhintey.

howlgalka ayaa lasheegey in ay fulineen diyaarada faransiiska oo kaashanayey fowlada soomaaliya.

wixii kusoo kotdha dib ayaan idinku soo gudbin doonaa.