FAAH FAAHINTA DUQEYN XOOGAN OO KADHACDEY JUBOOYINKA.

0
310

war hada soo dhacey ayaa sheegaya in Duqeymo diyaaradeed oo Xoogan kadhaceen Degmooyinka Bu’aale iyo Jamaame oo dhaca Gobalada Jubooyinka.

Duqeynta koobaad ayaa kadhacdey Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta oo lala beegsadey xero Ciidan ayaa dhacdey xilli lasheegey in loo qeybinyayey dagaalamayaasha shabaab saanad ciidan ay ku howl galaan, saanadaas oo ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay tahay mid cusub oo dhawaan soo gaartey alshabab.

dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleyaan jugta 6 gantaal taas oo sababtey in gebi ahaan xerada dab qabsadey.

weli lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ay hase yeeshee saraakiil sare oo katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa sheegey in guud ahaan ay baabi’ yeen dhamaan dagaalamayaashii goobta ku sugnaa iyo saanadooda.

Duqeynta labaad ayaa kadhacdey Degmada Bu,aale ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana dagaal kooban oo foolka foolka dhexmarey dagaalamayaasha alshabaab oo xaruunta degmada kusugnaa iyo ciidamo xiran qalabka habeenkii wax lagu arko sitey 2 diyaaradood nooca qumaatiga ukaca kuwaas oo kadegey meel aan sidaasi uga fogeen magaalada.

halka diyaarad kalana duqeymo xoogan kafulisey ilaa afar xaruumood oo kutaaley daafaha magaalada, jawiga Degamada Bu”aale ayaa mar qura is bedeley kadib markii ay is qabsatey rasaasta kadhaceysey 4ta jiho ee magaalada.