Kismaayo: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sababo amaan owgeed iskaga baxay magaalada kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose.
Xog war baahinta heshey, ayaa sheegeysa in xubnahan ka tirsan maamulka Axmed Madoobe oo wata maleeshiyaad farabadan ay xalay iskaga baxeen magaalada kismaayo, kuwaas oo gaaray duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ay ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan, ayaga oo aaminsan in halkaas ay ku bad baadin karaan.
Xubnaha halkaas gaaray ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka 2-aad c/qaadir Maxamed “Suldaan Luga Dheere” Maxamd Faarax Warsame (Darawiish), ayadoona wararka qaar ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu ku jiro dadka halkaas gaaray, balse aan la xaqiijin.
Dhinaca kale Nabadoon Cumar Cali oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolada Jubbooyinka ,haatana ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay tan iyo waxii ka dambeeyey Dilkii Ciise Kambooni Xaalku Faraha ka Baxay.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan ammaandaro iyo jahwareer siyaasadeed, ayadoona todobaadkii hore magaalada lagu dilay taliyihii nabad-sugidda Axmed Madoobe.
Idale News Online, Kismaayo.