Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali dheere” oo wareysi siiyay Tv_ga Al-Jazeera qeybta afka Inglishka ayaa waxa uu balan qaaday in dib ay u soo ceshan doonan dhulalkii horey ay u faarujiyeen gaar ahaan sanadii tagtay kadib dagaalkii ay kala kulmeen ciidamada xukuumada Somalia iyo kuwa AMISOM.
Cali dhere ayaa ku sugnaa waqtigii wareysiga lala yeelanayey degaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana wareysigaan la qaaday horaantii bishaan February waxaana Cali dheera uu shaaca ka qaaday in inkastoo ay khasaaro kasoo gaartay dagaaladaasi haddana aysan niyad jab ku ridi doonin dagaalamayaashooda.
Cali dheere ayaa sheegay wax uu ku tilmaamay cadow in aysan dalkooda uga tageen ayna sii wadi doonan dagaalka ay kula jiraan xukuumada Somalia iyo AMISOM waxa uu shaaca ka qaaday in aysan jirin fursad ay kula hadlaan dowladda Somalia.
Waxaa wax laga weydiiday Cali dheere weeraradii ay ku beegsaden muwadinin Turkish ah oo ku sugnaa Muqdisho waxana uu yiri: “Cadowga ugu weyn ee qofka muslimka uu leeyahay waa NATO, Turkigana qeyb ayuu ka yahay isbaheysiga NATO waxa ay Turkiga u soo adeegsatay sidii loo baabi’in lahaa shacabka Muslimka ah ee Somalia”.
Ugu danbeentii Cali dhere afhaheyeenka dhaq dhaqaaqa Al-shabab ayaa sheegay wareysigii uu al-jazeera siiyay in shacabka Turkiga ay la mid yihiin kuwa Mareykanka iyo Biriten ayna la dagaalami doonan sida ay hadda AMISOM ula dagalaaman.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa waqti hore oo sanadani ah shaaciyay in sanadkaan uu noqon doono kii Al-shabaab goobaha ay Somalia kaga sugan yihiin looga sifeeyn lahaa.
Idale News Online