Jiddah(INO)-Waxa isa soo taraya taagyeeridda iyo soo dhaweeynta ee ku aadan wefdigdii madaxweyne shariif xasan uu hogaaminayey ee ay safar ku tageen degmada Wanleweyne, Balidoogle iyo weliba Degmada Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Hadaba wakiilka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Da’uud Maxamed Laguyare, ayaa si weyn u soo dhaweeyey, booqashadii Madaxweyne Shariif xasan iyo Qaar Ka Mid ah Gollahiisa wasiiradda ay ku gaareen Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Da’uud Maxamed Lagayare ayaa ku tilmaamey booqashadii Madaxweyne Shariif Xasan Ee Degmadda Wanleweyn mid taariikhi ah isla markaana Guul u ah Bulshadda Degmadda Wanleweyn kuwaasoo, soo maray dhibaatooyin kala gedisan tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe ee soomaaliya.
“ Waxa aan Soo dhaweeynaya , Booqashadii Madaxweynaha KG Soomaaliya uu ku tagey degmada aan u dhashey Ee Daafeet, waa booqasho taariikhi ah waaye,oona shacabka Daafeet u soo hooyatey, Bulshada degaanadaasi waa kuwo jecel nabadda iyo wada noolanshaha” ayuu yiri Da’uud Maxamed Laga yare.
Wakiilka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Da’uud Maxamed Lagayare, ayaa sidoo kale, xusey baahida ka jirta degaanada daafeet, isla markaana waxa uu sheegey in looga fadhiyo dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya inay wax kaqabato arimaha bini’aadanimadda,caafimaadka, waxbarashada, iyo wadooyinka Degmadaasi oo burbursan.
“ Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa Laga Rajeynaya in wax weyn ka bedesho Arimaha bini’aadanimada, waxbarashadda, waxa aan aad ugu riyaaqey, Cusbitaalka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka dhiseyso wanleweyn oo Madaxweynaha KG Soomaliya uu u balanqaadey Shacabka Wanleweyn” ayuu yiri Da’uud Maxamed Lagayare.
Ugu dambeyntii, Shacabka Ku Dhaqan Degmadda Wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee Taagyeero dibadbax ah u dhigey Madaxweynaha KGS shariif Xasan Sheekh Aadan, iyagoona ka rajeynayey inuu wax weyn ka bedelo Baahiyaha Ka Jira Wanleweyn.
Idale News Online, Jiddah