Dhageyso:Odayaasha Dhaqanka Ee Degmada Wanleweyne Oo Cabashooyin iyo Codsiyo U Jeediyey Madaxweyne Shariif Xasan

0
227

Wanlewey(INO)Odayaasha Dhaqanka Degmada wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa si weyn u soo dhaweeyey booqashada madaxweyne Shariif Xasan  Sheekh Aadan uu ku yimid  Degmada Daafeet, ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna soo taxeen Cabashooyin badan oo ka taagan degmadaasi iyo weliba wada Xariiriso Muqdisho iyo Baydhabo ee Xarunta Gaobolka Bay.

odayaahsa

Odayaasha dhaqanka  ayaa waxay sheegeen in degmada wanlweyn ay xuduud la leedahay 4 gobol isla markaana  marin muhiim ahi ay u tahay Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaliya, waxay tilmaameen in la sugo amaanka wada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Sioo kale Odayaasha Dhaqanka Ee Degmada Daafeet,  ayaa waxay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka codsadeen in la sugo amaankooda isla markaana sida ay sheegayaan  loo soo diraayo Fariimo hanjabaad ah, kuwaasoo Sida loo maleynaayo ay u Soo diraan Kooxda Al-shaabab, oo dagaal adag kula jirta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidmada AMISOM.

Sikastaba ha haatee, Odayaasha Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa way diistey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya  Qoondii looga tala Galey Degmada Wanleweyn in faraha laga Saaro, iyagoona sheegey in degmadaasi ay hoos imaanayaan ku dhawaad 438 tuulo.

Ugu dambeyntii, Ururka  Midowga Yurub  Ee Soomaaliya ( EU)-  ayaa ugu talagey degamo kasta oo ka tirsan Wadanka soomaaliya, oo leh nidaam iyo weliba Golle Odayaal dhaqmeedyo, sax ah lacag gaareyso 2 Million Oo Dollar-ka Mareykanka ah taasoo looga tala galey, Horumarinta Degmad, wax kaqabashada Caafimaadka, iyo Waxbarashada Sanad weliba, degaanaada Koonfur Galbeed Soomaaliya weli si toos ah uma soo gaarin Barnaamijkaasi.

Halkan Ka Dhageyso, Hadaladii Odayaasha Wanleweyne

Idale News Online, Wanlweyn

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here