Baydhaba Janaay: Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo wasiiradan ay ka soo jeedaa Gobolada uu qorshuhu yahay in maamulo loo sameeyo.
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan oo ka kooban 10-wasiir ayaa isugu jira, wasiiro, wasiir kuxigeen, iyo wasiiru dowlayaal, waxaana ay bilaabeen inay kulamo la qaataan ergooyinka shirarka iska soo horjeeda uga socda magaalada Baydhabo.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Aadan Sarasoor, waxaana ay kulan la qaataan ergooyinka shirka uga socda Xarunta ADC ee fadhiya maamul u sameynta Lixda Gobol.
Qorshaha Wafdigan ayaa ah inay mideeyaan labada shir ee ka socda magaalada, maadaama dowladda aqoonsan tahay in la sameeyo saddex gobol ayaa ujeedka yahay in labada dhinac isugu yimaadaan in saddexda gobol la dhiso.
Wafdigan Wasiirada ayaa waxay xilligan kulan kula leeyihiin Hotelka Bakiin ergooyinka ka badan afar boqol, si ay uga dhaadhiciyaan inay aqbalaan maamul u sameynta saddexda gobol, maadaama lix gobol la dhisi karin, maadaama dowladda saddex gobol ku dhawaaqday in maamulo u sameysan yihiin.
Wasiiradan ayaa la filayaa inay shirar gaar gaar ah la qaataan labada dhinac ee iska soo horjeeda, waxaana magaalada Baydhabo ay la ciir ciireysa siyaasiyiin badan oo isu garbinaya inay xilal ka qabtaan maamulada la dhisayo.
Dhinaca kale shirka lagu dhisayo Maamulka lixda Gobol ee Koofur Galbeed ee ka socda Xarunta ADC ayaa waxaa xubnaha ergooyinka ay ka dhageystaan khudbado hogaamiyeyaasha isku soo sharaxay inay qabtaan xilka hogaanka Maamul goboleedka, waxaana musharax walba balan qaaday hadii la doorto inuu wax badan qaban doono.
Idale News Online Mogadisho