Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay waxaa ka soconaya shirwayne ballaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo lixda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya kuwaasoo in muddo ahba degmada Baydhabo uu shir uga soconayey ergooyin matalaya lixdaasi gobol.
Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo kamid ah salaadiinta deeganadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay shirka Baydhabo inuu meel wanagsan maraya dhawaana ay dooran doonaan Madaxwaynihii maamulkaasi iyo labadiisa ku xigeen.
Wuxuu xusay maalinta isniinta ah ee Asbuuca fooda nagu soo haya inay dhacayso doorashada Madaxwaynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa ku wajahan Magaalada Baydhabo Wafdi ballaaran oo horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada.
Wafdiga ayaa lagu sheegay u jeedka socdaalkooda mid looga gol-leeyahay xal u helida arimaha goboladaasi oo ka soconayaan labo shir oo is bar bar yaac ah.
Waxaa wafdiga Ra’iisu Wasaaraha ka mid ah xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeedo Beelaha Digil & Mirifle oo doorweyn ku leh shirarka ka socda xarunta ADC iyo kan ka socda Baar Bakiin.
Dadka ku nool goboladaasi ayaa ku shakisan wafdiga dowlada ee lagu soo beegay xiliga loo qoondeeyey in ay dhacdo doorashada dowlada Goboleedka lixda gobol ee KG Somalia.
Idale News Online, Baydhabo