Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo gaaray dalka Kenya,isagoo bari ka qeyb gali doono shir deg deg ah oo looga hadlayo dagaalada ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam.
Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassdor Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta kula hadlay Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka soomaaliya ayaa sheegay in uu bari oo jimco ah ka qeyb gali doono shir deg deg oo madaxweynahaya urur goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan dagaalada ka socda dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono shirkaasi oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda urur goboleedka IGAD.