Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka wada tashiga Mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo uu soo qabanqaabiyey naadiga dhalinyarada ee Baarlamaanka.
Kulankan wada tashiga ah ee ku saabsan Aayaha dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaana lagu marti qaaday ku dhowaad 300 dhalinyaro oo ka kala socday Ardayda wax ka barata Jaamacadaha magaalada Muqdisho,aqoonyahanno horey jaamacado ku kala yaala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ugasoo qalin jebiyey iyo xubno ka kala socday ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kudbaddiisa furitaanka ugu mahad celiyey dhalinyaradii kala duwaneyd ee kulanka kasoo qeybgashay iyo sida ay ugasoo jawaabeen marti qaadka loo fidiyey waxaana uu dhalinyarada xasuusiyey iney yihiin hogaamiyeyaasha berrito ee dalka islamarkaana looga baahanyahay iney ka tashadaan aayahadooda ayaga oo mid ah islamarkaana ka fogaanaya in loo adeegsado qabiil waxa kaliya ee ay uga gudbi karaanna ay tahay “Waxaan ahay Soomaali”.
Gudoomiyaha naadiga dhalinyarada ee Baarlamaanka Mudane Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan (Nuux) oo isaguna dhankiisa jeediyey furitaanka khudbad ka jeediyey ayaa xusay in kulankan uu yahay mid muhiim ah maadaama looga hadlayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo culeyska soo wajaha waxaana uu tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xoogga wadanka loona baahanyahay iney xoogooda ka faa’ideystaan umaddana ugu faa’ideeyaan,ujeedada kulankan ay usoo qabanqaabiyeenna ay tahay in dhalinyarada xaqooda ay helaan.
Furitaankaasi kadib ayey dhalinyaradii kala duwaneyd ee kulanka kasoo qeybgalay jeediyeen fikradahooda waxaana ay dhalintii kala duwaneyd ee kulanka ka hadashay ay si isku mid ah u ballan qaadeen iney diyaar u yihiin iney dalkooda,dadkooda iyo diintooda u adeegaan islamarkaana ay hada isku diyaarinayaan iney dalkooda wax walba u qabtaan waxaana ay soo jeediyeen in fursad loo siiyo hogaaminta dalka dhalinyarada,sidoo kalena dhalinyaradu waxey su’aallo weeydiiyeen gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada kulanka ku sugnaa.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka jawaabayey tallooyinka iyo su’aallaha ay dhalinyaradu soo jeediyeen ayaa xusay in fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ay muujineyso sida ay diyaar ugu yihiin iney ka qeybqaataan hormarka dalkooda, su’aallaha ay soo weeydiiyeen dhalinta oo u badnaa sida fursado shaqo loogu abuuri karo dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu xusay in Baarlamaanka uu ka codsaday Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka in dhalinyarada loo sameeyo Wasaarad u gaar ah si xaqooda ay u helaan,Baarlamaankuna uu ku dabageli doono.
Talooyin is dhaafsi iyo ka jawaabid su’aallo dhexmaray dhalinyaradii kulanka kasoo qeybgalay, gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu ballamay in kulamadan ay joogto noqdaan ayadoo hirgelinta qodobada muhiimadda u leh mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed u lehna ay fulin doonaan naadiga dhalinyarada ee Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka ee dhalinyarada ah,dhalinyaraduna ay xili kasta naadiga lasoo xiriiri karaan oo la xisaabtami karaan.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so