Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan degmada No 50 iyo markacadey ee gobolka Sh.Hoose.
Wefdiga uu hogaaminayo madaxweynaha koonfur galbeed ayaa waxa ku jira wasiirka xanaanada xoolaha Mudane Madoobe Nuunow, WasiIr Macdanta iyo Biyaha Aadan Xasan Maxamed ( Usaama) wasiiro kale iyo qaar ka mid ah Salaadiinta KGS.
Wafdigan ayaa marka ay gaaran halkaasI waxay kula kulmi doonaan gudoomiyaha degmada No 50 Cabdullahi Cali Axmed Waafow, maamulka degmada iyo odaydhaqameedka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan.
Madaxweyne Shariifka ayaa lagu wadaa in degmada No 50 kadib uu u sii gudbo magaalada Marka ee caasimadda gobolka Shabellaha Hoose.
Idale News Online, Marka