Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal kasoo yeeray dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.
Galeyr ayaa ugu horeen sheegay in Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn xureyntooda looga bahneen ciidan sida uu sheegay laga keenay Magaalada Garoowwe.
Waxa uu hadalka Gaas ku sheegay mid beer laxawsi shacabka ah, hase ahaatee ay ogyihiin in aanay waxba ka quseyn deegaanadaasi.
“Adeer Gaas waa nin iska riyooday, anigan waxaan leeyahay umadda beenta ka daa, dhul Puntland ay leedahay halkaan kuma yaalee”
Galeyr ayaa sheegay in Khaatumo ay qabto ciidamo ku filan islamarkaana ciidamada Somaliland ka difaaci kara dhulka reer Khaatumo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Idale News Online, Muqdisho