Magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Somaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hogagaminaya wafdiga gaaray Tunisia.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhiggiisa wasiirka arrimaga dibadda dalka Tunisiya, Mongi Hamdi.
Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
Wafdiga ayaa maanta oo Isniin ah la kulmi doona madaxweynaha bangiga horumarinta Africa, Donald Kaberuka oo ay kala hadli doonaan baahida dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u qabto sidii ay ku heli laheyd ballan-qaadyada dhaqaale iyo mashaariic ku qotoma dib-u-dhiska Soomaaliya.
Wasiirro ka tirsan dowladda Tunisia ayay sidoo kale la kulmi doonaan wafdigan inta ay ku sugan yihiin Tunis, waxeyna kala hadli doonaan sidii Tunisia maal-geshi uga sameyn laheyd.
Idale News Online.