Senator Jurile ayaa si adag kaga hadlay Heshiiska saddex geesoodka ah ee dhexmaray Somaliland,Itoobiya iyo Shirkadda Dp World.
Xildhibaanka Aqalka sare oo maanta ka hadlayay kullan ay isugu yimaadeen Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la ogaado waxa Itoobiya ku yeelatay saamiga 19% dekad iyada aysan lahayn,wuxuuna sheegay iney leedahay saameyn dhaqaale.
Senator Jurile ayaa sheegay in walaac badan uu ka jiro Heshiiskaasi loona baahan yahay si degan loo eego si Arrimahaasi wax looga qabto.