M/Farmaajo oo kullamo gaar gaar ah la yeeshay RW Kheyre & Jawaari kalana hadlay…

0
195

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah maanta la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre isagoo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho halkaa oo uu hoy iyo xafiis ka sameystey madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ugu horeyntii la kulmay Madaxweynaha guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo ay mooshin dhowaan ka keeneen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka iyadoo mooshinkaana uu guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ku tilmaamay mid jaban halka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey uu sheegay in mooshinka uu sharci yahay.

Kulamada uu layeeshay Madaxweyne Farmaajo ra’iisal wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa la sheegay inuu la xiriiray sidii loo qaboojin lahaa xiisada siyaasadeed ee jirta, waxana madaxweyne Farmaajo uu u muuqdaa in uu qaadanayo door odaytinimo.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in lagu wado in dhowaan uu Madaxweynaha kulan wadajir ah uu la qaato afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra’iisal wasaaraha dowlada federalka Xasan Cali Kheyre.

Xiisada siyaasadeed ee jirta ayaa gaartay heer aad u sareeya iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah ra’iisal wasaare Kheyre.

Lama oga dadaalada uu bilaabay Madaxweyne Farmaajo inay mirodhal noqon doonaan, iyadoo sidoo kale magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo kale oo gaar gaar ah.