Muqdisho (INO) — War Saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda UNICEF ayay ku sheegtay in afar kamid ah Shaqaalaheeda ay ku dhinteen Qarax Gaarigooda xilii ay sii galayeen Xaruntooda Magaalada Garoowe.
UNICEF ayaa sheegtay in 4 kale oo shaqaalaheeda katirsanaa in lagu dhaawacay Weerarka , kuwaasi oo xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato, loona qaaday dalka Kenya si loogu daweeyo.
Hay’adda ayaa waxay sidoo kale sheegtay in Qaraxa uu aha amid ku xirnaa Gaari ay leedahay oo Shaqaalaheeda kasoo qaaday Hotel ku yaalla Garoowe, islamarkaana uu u waday Xaruntooda Magaaladaasi.
4 Shaqaale Ajnabi ah oo dalalka ay u kala dhasheen aan wali la shaacin ayaa ku dhintay Qaraxa, halka inta kalena ay ahaayeen Soomaali u dhaqeynaysay UNICEF.
Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa lala eegtay Shaqaalaha UN-ka ee Garoowe.
Idale News Online – Muqdisho