Topnews:Ingiriiska oo marti galineysa shir looga hadlayo xaaladda Bani’aadanimo ee Soomaaliya

0
194

Shir caalami ah oo ku saabsan dardar gelinta horumarka amni ee Soomaaliya iyo dhisidda taageero caalami ah oo la siiyo ayaa shalay galab ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ujeedka shirka ayaa ah in dowladaha iyo Ururada caalamaiga ah ee deeqaha bixiya ay ka arrinsadaan sida ugu wanaagsan ay uga hortagi karaan xaaladda bani’aadanimada ee Soomaaliya iyo sidii loogu jiheyn lahaa wacyiga caalamka qadiyada Soomaaliya waxaana la filayaa inay shirka ka soo baxaan ballanqaadyo dhaqaale oo wax looga qabanayo duruufaha ka taagan Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya, Madax ka tirsan Xukuumadda  Soomaaliya , Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, Madaxda qaar ka mid ah dalalka deriska, iyo wakiilada dalal kale iyo ururo caalami ah.

Shirkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalka Qaraamada Midoobay ay wax kaga qabanayso xaaladaha bani’adanimo ee ka aloosan dunida gaar ahaana Somalia, waxaa la filayaa in lagu ururiyo shirka lacag kaalmo oo dhan 1.5 bilyan oo dollar inta lagu jiro sanadkan oo loogu deeqayo dad gaaraya 5.4 milyan qof oo Somali ah oo ay ku jiraan 900 qof oo iminka kaalmo deg deg ah u baahan yahiin .

Dhanka kale Xoghayaha guud ee QM, Antonio Gutteres, oo shirka ka hadlay, ayaa ku baaqay in 900 milyan oo dollar loogu kaalmeeyo Soomaaliya si abaarta wax looga qabto.