Warxasi ah: Wasaaradda Isboortiga Oo Ka Hadashay Al-Shabaab Oo Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho Ka Mamnuucday Garoomada Kubada Cagta Ee Salaxa

0
260

Amar ay soo saartay Alshabaab ayee kaga mamnuucday qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho ciyaarta kubada cagta.

Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka xaafadaha waqooyi ee gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in amarka lala wadaagay dadka iska leh Garoomada Salaxa ee Lagu Ciyaaro kuabada cagta kuwaaso dhaqan geliyay amarkii Alshabaab.

Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa ugu badan xaafadaha laga mamnuucay ciyaarta kubadda cagta waxaana fariintan lala wadaagay oo kaliya milkiilayaasha garoomada salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay.