Topnew:Wasiiru dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino

0
200

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha oo lagu magacaabayay C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf ayaa waxaa la geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Faarax Kaboweyne oo ay gaari wada saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa qaraxa miino ku geeriyooday Ilaalada la socotay ee galbineysay kolonyada Wasiiru dowlaha iyo Mas’uuliyiinta kale oo ku sii jeeday degmada Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in qaraxa miino ay ku geeriyoodeen illaa shan ruux oo ay ku jiraan Wasiiru dowlaha, Xildhibaanka ka tirsan Hirshabeelle, saddex askari iyo darawal.

Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar  ku tagay garoonka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Afgooye, balse inta ay wadada ku soo jireen ayay la qaraxday Miino dhulka lagu aasay.