Top News:Maxaadan Lasocon Oo Baydhabo Janaay Ka Socoda, Wax Badan Ka Ogow?

0
183

Baydhabo[INO-]Magaalada Baydhabo Ee xunta Gobolka Bay, waxaa laga dareemsya dhaq dhaqaayo siyaadeed oo ugu dambeeyey oo ay sameynayaan siyaasiyiin doonayo in ka mid noqodaan gollaha wasiirada cusub ee Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya.
news-update-

Sarkaal ka tirsan maamulka cusub KG Soomaaliya ayaa goor dhaweyd u sheegey Shabakada Warbaahinta Idale News Online, in madaxweyne Shariif Xasan oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho uu soo laabadan doono maalinta Axada ah ee soo socota, isagoona kumaqan dhexdhaadinta madaxda sare ee dalka sida uu u sheegey Idaacada VOA-da.

Sarkaalkan ayaa xaqiijey in todobaadkan gudahiisu lagu dhawaaqi doono gollaha wasiirada uu yeelan doono maamulka koonfur Galbeed ee soomaaliya isla markaana beelaha wada degan degaanada koonfur galbeed haatan ay bilaabeen gudbinta magacyaga wasiirada walow, arintaasi la dhaliilsan yahay.

Dhawaan ayey ahayd ka dib markii lagu caleema saarey Magaalada baydhabo Shariif Xasan,Madaxweynha koonfur galbeed soomaaliya ee 3da Gobol,ayaa waxa uu sheegey inuu soo dhisi doono dowlada tayo isla markaana Ka codsadey shacabka KGsoomaaliya, DFS iyo Beesha Caalamkaba inay ku garab siyaan Arintaas.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Baydhabo waxaa ku sugsan odayaal ka kala yIiimid
3 Gobol uu Ka kooban yahay maamulka koonfur Galbeed waxaa jiraa dhaliilo iyo eedeymo ay jeedinayaan maamulka 6 Gobol
uu Hugaamiyo madoobe nuunow kuwaasoo
sheegey in lagu kordhisey maamul cusub, isla markaana aaminsan in la af gambiyey.

Ugu dambeyntii, lama garan karo tirada gollaha wasiirada maamulka koonfur galbeed oo uu yaalan doono.

Idale News Online, Baydhabo