Tooshka IdaleNews: Koonfur Galbeed Oo Aan Lahayn Hanaan Maaliyadeed Oo La Aamini Karo

0
196

Baydhabo(INO)- Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Degmooyinka Xurta waxa laga qaada Canshuur xad dhaaf ah, inkastoo lacagta ugu badan laga helo Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose sida dad Xog ogaal ah inoo Sheegeen.

Hadaba Lacagtan faraha badan ee laga qaado ummadan dhibeysan dib loogama soo celiyo, Xitaa kuwo Ku dhibaateysan Xerooyinka Barakacyaasha lama eego, hal 1mitir oo dhaami ah lagama dhiso waxay ku dhacdaan Account.

Koonfur Gaalbeed malahan Hanaan Maaliyadeed oo Shacabkeeda iyo Beesha Caalamka ay ku kalsoonaan karaan.

Degmada Buurhakaba waxaa ka jiraa Xaalada bini’aadanimo oo dhanka biyaha ah, Lacagtii oo dhanba waa laga soo qaaatey degmadaas umadiina way ooman yihiin.

Waxaa xiran wadooyinka Soo Gala Degmooyinka Waajid, Diisoor ,Qansaxdheere iyo Xudur halkaas oo dhibaato ay ka taagan tahay.

Ugu dambeyntii, Maamulada Degmoyinka KGS iyo Wasiirada 90% way fara maran yihiin Markii laga reebo 5 Wasiir oo la sheegey inay  ka dhiigeystey Dhaqaallaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa la aaminsan yahay in lacagtan si qaldan loo maareynaayo ama la doonayo in shakhsi doorashada 2016 ku gali rabo