Tirada rasmiga ee dadkii ku dhintay Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga oo soo kordhaysa

0
212

Warar rasmiya oo laga helayo Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ay korortay tirada dadkii ku dhintay dooni ku qallibantay meel u dhow xeebta Lampedusa.

Saraakiil sare  oo Talyaaniya yaa sheegtay in dadka dhintay ay hadda marayaan in ka badan 130 qof oo Soomaali ay ku jirto, weliba dumar uur lahaa iyo carruur yaryar.

Sidoo kale warar ayaa waxay intaas ku darayaan in la soo badbaadiyay 150 qof, 200 oo kalena weli waa la la’yahay.

Duqa jasiiradda Lampedusa ayaa sheegtay in dadka la badbaadiyay laga soo saaray badda, kaddib markii ay cilladowday dooni ay saarnaayeen ilaa 500 oo qof oo ahaa tahriibayaal Afrikaan ah.

Toddobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale dad tahriibayaal ahaa oo ay Soomaali ku jirtay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga

dooni

Idale News Online