Prof, Alabari ayaa waxaa uu wareysi uu siiyey Tv-ga Universal xaruntiisa USA waxaa uu uga jawaabay eedeynta baryahan kasoo burqameysay Prof, Ahmed Ismaciil Samatar kaasi oo dowlada Somaliya ku tilmaamay mid laba qabiil un ka dhaxeysa.
Prof, Alabari oo ay magaalo kasoo wada jeedaan Ahmed Ismaciil ayaa waxaa uu sheegay inuusan xaqiiqo uga waramin xaalka maamulada Muqdisho iyo Hargeysa. Waxaana uu shegay in haddii Muqdisho lagu eedeeyey maamul laba qabiil ay qeybsadeen in hargeysa ay ka jirto maamul hal beel ay iska leedahay.
” Miyaad aragteen dowlad madaxweyne, guddoomiye baarlamaan, gudoomiye guurti, taliyaha ciidanka booliska, taliyaha milateriga iyo guddoomiyaha maskaxada ay hal beel isku tahay. Haddaba intaasiba waxaa ku dhisan maamulka Somaliland. Taasi ayaan ku sheegi lahaa Axmed Ismaciil Samatar haddii uu la soo yaabay Xamar” ayuu yiri Prof, Alabari.
Ahmed Ismaciil Samatar ayaa waxaa uu ku sheegay wareysiyo uu bixiyey ku tilmaamay Muqdisho dadka jooga gaar ahaan carurta inay 70% inaysan wax shaqo ah heysan. halka Prof, Alabari isagana uu sheegay inuu Hargeysa kusoo arkay 90% dad aan shaqo heysan islamarkaana nololoshu ku adeg tahay. Taasi oo uu ku tilmaamay mid ay soomaali oo dhan ka siman yihiin.
Jawaabta kale ee uu bixiyey Prof, Alabari ayaa ah in dowlada Somaliya ay tahay mid wixii ay heshaba dib ugu celisa Muqdisho un taasi oo gobolladii kale ka dhigtay kuwa aan waxba helin. Prof, Alabari isagana waxaa uu sheegay in mid taasi la mid ah inay ka jirto Hargeysa oo maamulka Somaliland dadkii iyo dhaqaalihii uu isugu geeyey magaaladaasi oo qura.
” Muqdisho haddii looga caban jiray in wixii dalku lahaa la isugu geeyey ama dadkii ay isugu tageen. Haddana Somaliland ayaa taasi mid la mid ah wada waxaana dadkii ay isugu geysay Hargeysa wixii dhaqaale iyo dib u dhis la geliyey Hargeysa. Iima muuqato wax aan muqdisho kaliya wax uga sheegno” ayuu yiri Prof, Alabari.
Jawaabaha labada aqoonyahan is dhaafsadeen ayaa si weyn usoo kala horjeeda. Waxaana labadoodaba ay yihiin rag kasoo jeeda magaalada Borama. Midna uu aaminsan yahay Somaliweyn halka mid ka kale ee Somaliland oo gooni Somalida kale ka ah aaminsan yahay.
<center><iframe width=”460″ height=”330″ src=”//www.youtube.com/embed/F9flA0uZ9jc?feature=player_embedded” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe></center>
Idale News Online