Telefishin gaar ah oo loo gu talagalay kala iibsiga Hubka oo hawada soo gelaya

0
224

Shirkadda Social Responsibility Network oo ku taala Dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay Hawada Galinayso Dhamaadka Bisha January ee Fooda nagu soo haysa Telefishin gaar ah oo loo gu talagalay kala iibsiga Hubka .
Tvgaan oo loogu magac daray Gun Tv ayaa noqonaaya telefashankii ugu horeeyey ee Dunida oo ka shaqaynaaya Xayeeysiimaha iyo Kala iibsiga hubka .

Falery Kasel oo kamid ah asaasayaasha GunTv ayaa joornaalka The Gardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska u sharaxday qaabka Tvganu u shaqaynaayo waxayna tiri waxaa khadka Telefanada loo furaya dhamaan Dadka iyo Shirkadaha Danaynaya iibinta ama iibsashada Hubka iyadoo halkaasna lagu dhamayn doonoo Heshiisyada kala iibsiga Hubka waxay sheegtay Mess Kaasel in dadka aan guryahooda hubka loogu gaynayn balse Xarumaha ugu dhow ee Shirkadda in loo dhigi doono .

Talaabaaan ayaa muran badan ka dhalisay Saxaafadda Gaar ahaan Gudaha Dalka Maraykanka oo ku eedeeyey shirkadaan in ay dhiiri galinayso Qaadashada Hubka balse mulkiilayaasha Gun tv ayaa ku andacoonaaya in iibsashada hubka uu yahay suuq sidiisa u taagan oo aysan wax saamayn ah ku yeelanayn Telefishin ama shirkad.

Idale News Online, New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here