Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
225

Muqdisho (INO)—Ugu yaraan 2 Ruux ayaa ku dhimatay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu qarxiyay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge  ayaa sheegay in Miino lagu aasay waada lagu qarxiyay Gaari Ciidamada DFS ugu baakinaa Nawaaxiga Xero Jarmalka halkaasi Ciidamada ay lacago Canshuuro ah uga qaadaan Gadiidka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo durbaba goobta soo gaaray, ayaa xiray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana ay bilabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi balse Qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegta Ururka Al Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here